jaaw
(m.dh)

Digir la cambuuleeyey xabbadaha aan bislaan.

jaaw
(m.l)

Cudur ariga raafafka ka gala oo dillaaciya nabarna ka reeba. ld jaawqarreer¹, jaawqarrir.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaaw

jaawe [m.l]
Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.

jaawi [m.l]
ld jaawe.

jaawi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).

jaawin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaawi². ld farjaawin, farjaawis, farjawin, farjawis, jaawis.

jaawis [m.l]
ld jaawin.

jaawo [m.dh]
1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.

jaawqarrer [m.l]
ld jaaw.

jaawqarrer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Cudur raafka gala oo dillaacyo u yeela gaadid (ari).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg