jacjacle
(m.l)1. (bot.) Geed-gaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daaw.) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jacjacle ↴
jacjaclee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Shanqar yar oo isku xigta samayn.
jacjacleyn [m.f.dh]
eeg jacjaclee. ld jac-jacleys.
jacjacleys [m.l]
ld jacjacleyn.
jacjac [m.l]
Dildillaac yaryar oo maqaarka kore ee dadku yeesho qabow iwm awgood.
jacjac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Dildilaac yaryar yeelasho qabow iwm awgood (maqaar dad).
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg