jago
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Meel bannaan oo aan weli degaan laga dhigin. 2. Heer darajo oo shaqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jago

casil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Qof jago hayo ka qaadid.

darajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo.

dhig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.

fooci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax kor u soo kuusid. 2. Jago ka qaadid (qof).

heer [m.l] (-rar, m.l)
1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.

iscasil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ilay, -ishay)
Qof jago iwm oo uu hayey iskiis u wareejin.

iscasilaad [m.dh]
Xil iska wareejinta qof uu iskiis isaga wareejiyo jago iwm oo uu hayey.

kummeelgaar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. K. ah: qof jago uu hayo aan rasmi ku ahayn. 2. K. ah: wax isticmaalkood aan joogto ahayn ee inta wax rasmi ah laga helayo lagu sii sugo.

kusime [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
Qof jago uu hayo aan rasmi ku aheyn; kumeelgaar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg