jajab
(m.l)

1. Xanuun murqaha ku dhaca. 2. Dhacaan cayayaanka qaarkood ka yimaada oo markuu jirka gaaro lagu xajiimoodo. 3. Wax burburay gobol ka mid ah. 4. Dildillaac ku dhaca oogada siiba bishimaha iyo cagaha oo qabowga badani keeno. 5. Lacagta inteeda aan xaashida ahayn. 6. Dahab aan saafi ahayn.

jajab
(m.l) (-byo, m.dh)

(xis.) Tiro aan hal dhammayn, oo la qaybiyey midkeed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jajab

saami [m.l] (iyo, m.dh)
(xis.) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saa-migal u tahay x.

aritmatig [m.l]
(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

bakteeriya-ciijiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Fiirus jajabiya bakteeriyada.

bilirubiin [m.l]
(daaw.) Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.

birqalax [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Bir jajab ah oo duug ah oo aan waxtar lahayn. 2. Dad aan karti lahayn oo waxtarkooda yaryahay.

burbur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-rro, m.dh)
1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).

burburso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. ld bururso.

cirbad-durid [m.dh]
(daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.

dokhosh [m.l]
Dhismo gaboobay oo jajabay oo ka samaysan qoryo iyo caws duug ah.

faradh [m.l] (-dho, m.dh)
(fiis.) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (μF).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg