jal
(m.l)

1. ld jaq 1. Caano yar oo ilmaha yaryar la siiyo. 2. J. ah: cunug aan si fiican u korin nafaqo yari darteed. 3. Dabbidka yar ee la siiyo qof aad u jirran; jeenan.

jal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)

Carruur nafaqo xumo darteed la caatoobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jal

ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad

ajal [m.dh]
1. ld ajalo. Dhammaadka nolosha qof. 2. ld ajalid.

ajal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Cid dhimashadeeda sabab u noqosho.

ajalid [m.f.dh]
eeg ajal². ld ajal¹ (2).

ajalo [m.dh]
Geeri. ld ajal¹ (1).

badeecad [m.dh] (-do, m.l)
1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.

cajalad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.

carrabjalqi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Erayo dhawaaqoodu isku dhow yahay oo carrabka carruurta lagu jilciyo dhihid.

carrabjalqin [m.f.dh]
eeg carrabjalqi. ld carrabjalqis.

carrabjalqis [m.l]
ld carrabjalqin.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg