jalaal
(m.l)

1. Ganaax lagu xukumo qof dembi yar galay. 2. Kitaab Quraan ah sharrax leh.

jalaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

Cid dembi gashay ganaaxid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jalaal

jalaalaq [m.l]
Dhaca labaad ee meel hore loo dhacay lagu sameeyo.

jalaalaqayn [m.f.dh]
eeg jalaalaqee.

jalaalaqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qaysay)
Meel hore loo dhacay mar labaad dhicid.

jalaalaqo [m.dh]
Hantida laga helo meel hore loo dhacay.

jalaalid [m.f.dh]
eeg jalaal².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg