jalaq
(m.l.sh.r)

1. In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray. 2. Koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xiro. 3. Dheg u j. sii: hadal raacid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jalaq

cukur [m.l] (-rro, m.dh)
Dhudhunka iyo calaacashu meesha ay iska galaan; jalaqley.

cumaacun [m.dh] (-umo, m.l)
1. Calaacasha iyo dhudhunka meesha ay iska galaan oo jalaqleyda ah. 2. Cagta iyo kubka meesha ay iska galaan; anqaw. 3. Lafaha yaryar ee faraha iyo lugaha middood.

curcur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.

guggundhaw [m.l]
Koor hal carrab leh oo jalaqda ka weyn boodaantana ka yar oo geela loo xiro.

halaqjalaqlayn [m.f.dh]
eeg halaqjalaqlee.

halaqjalaqlaysad [m.l]
ld halaqjalaqlaysasho.

halaqjalaqlaysasho [m.f.dh]
eeg halaqjalaq-layso. ld halaqjalaqlaysad, halaqjalaq-laysi.

halaqjalaqlaysi [m.l]
ld halaqjalaqlaysasho.

halaqjalaqlayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.

halaqjalaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.

jal [m.l]
1. ld jaq 1. Caano yar oo ilmaha yaryar la siiyo. 2. J. ah: cunug aan si fiican u korin nafaqo yari darteed. 3. Dabbidka yar ee la siiyo qof aad u jirran; jeenan.

jal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Carruur nafaqo xumo darteed la caatoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg