jaw
(m.l)

Yoon dhegta dhexdeeda laga dareemo, kaddib markii aad loo harraado.

jaw
(m.dh)

1. Kaamil. 2. Jibaad meel fog laga maqlaaya. 3. Keli ah.

jaw
(Erey Dareen | Exclamation)

Erey la yiraahdo kolka wax lala yaabo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaw

caabbiri [m.l] (-iyo, m.dh)
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.

unug-dareen-dhaqaaq [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tus. “Muruqyada iyo qanjidhada”.

waalli [m.dh]
(daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.

wadar [m.dh]
(xis.) Jawaabta la helo marka laba ama dhawr tiro ama xaddi la isugeeyo.

xajiintir [m.l]
Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.

abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.

abyane huban [m.l] (-nayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo magacaaban ee x: x, iyo x2.

asaw [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Dhammaan dhaqdhaqaaqyada muuqan kara ee ay sameeyaan xayawaanku iyaga oo u jawaabayo degaankooda gudaha iyo dibadda.

asiib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Dhibaato weyn cid ku dhicid. “Inkaar baa asiibtay Cali”. 2. Arrin xalkeeda dhabta helid. Tus. “Ardaygii jawaabtii waa asiibay”. ld aseeb.

baqaal [m.l] (-llo, m.dh)
Doonyaha safarrada dhaadheer gala tan ugu weyn oo qaadi karta kun jawaan iyo ka badan. ld baqaalad, baqlad.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg