jawaan
(m.l) (-nno, m.dh)Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyay. ld joonyad, juuni.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jawaan ↴
caabbiri [m.l] (-iyo, m.dh)
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.
xajiintir [m.l]
Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.
abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.
baqaal [m.l] (-llo, m.dh)
Doonyaha safarrada dhaadheer gala tan ugu weyn oo qaadi karta kun jawaan iyo ka badan. ld baqaalad, baqlad.
bunbay [m.l]
Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; kasbo¹.
cabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Jawaan, sanduuq iwm suuf, dhar iwm ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.
cammaar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: xarig ama jawaan dun adag ka samaysan.
ceemad [m.dh] (-do, m.l)
Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iwm.
duluf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Derin, jawaan, raar, iwm oo duugoobay. ld duruf (1).
duruf [m.l]
(duruf/-fyo/-ruuf, m.dh) 1. ld duluf. Derin, jawaan, raar iwm oo duugoobay. 2. Jawaan maran.