jebi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax is haystay xoog u kala qaybin. 2. Wax taagnaa dumin. 3. Xoolo iwm oo tiradoodu badantahay yarayn. 4. Xoolo iwm kala qaybin. 5. Sharci ku xad gudbid. 6. Col iwm baabi'in. 7. Ka j.: soon, salaad iwm cid ka burin. 8. Ka j.: shax, jar iwm cid dhawr jeer badisay ka badin. 9. Sicir yarayn (ganacsi). ld jabi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jebi

daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.

daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.

jabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld jebi.

jabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jab². ld jabniin, jebid.

jabin [m.dh]
ld jebin.

jabis [m.dh]
ld jebin.

maamuusjebi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid sharafta ka qaadid. ld naamuusjebi. naamuusjebi

maamuusjebid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maamuusjab². ld naamuusjebid.

maamuusjebin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maamuusjebi. ld naamuusjebin.

naamuusjebi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld maamuusjebi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg