jeeb
(m.l)Meel wax lagu rito oo dharka la gashado ku tolan.
jeeb
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)1. Wax si tartiib ah u goyn. 2. Ka j.: wax, wax kale iyadoo inta dheeriga ah laga jarayo la ekeysiin. 3. Ka j.: cid dembi ay gashay ka gudid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeeb ↴
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
anatomi [m.l] (-iyo, m.dh)
(baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
bastoolad [m.dh] (-do, m.l)
Hubka fudud nooc ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido. ld baastoolad.
birjeeb [m.l] (-bo/-byo, m.l)
Bir, biraha kale lagu qabto oo ka kooban laba qalbac oo dhexda iska haysta oo marka gadaal la isaga qabto hore wax ka qabata; kalbad.
jeeban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho.
jeebid [m.f.dh]
eeg jeeb².
jeebis-dherer [m.l] (-ryo, m.dh)
(baay.) Nooc ka mid ah sida ay u habaysanyihiin qaybaha iyo organnada xayawaanku kaas oo jidhka loo qaybin karo laba badh oo ah hummaagyo muraayadeed oo mid waliba sallax goonniya saaranyahay. Xayawaan-nada jeebis dherer waxay leeyihiin hab dhaqdhaqaaq oo u goonniya, kaas oo had iyo jeer hal dhinac jidhka u hoggaamiya.
jeeb-isgudub [m.l] (-byo, m.dh)
(xis.) Marka shaxan adke ah loo jaro sallax ahaan ama shaxan sallax ah ee ka soo baxa jariddaas oo kale. Tusaale ahaan, j.i.ka mara dhex-bartanka kubbad waa goobo.