jeexan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xmay, -xantay; -xmi)

Wax dillaacay noqosho.

jeexan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

Wax dillaacay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeexan

haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.

gan [m.dh] (-ano, m.l)
1. Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo. 2. Labada ilig ee sare middood. 3. Bir, qori iwm qoroofan oo wax la sur.

jeexane [m.l]
Harag ari oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.

jeexmid [m.f.dh]
eeg jeexan¹.

jeexnaan [m.f.dh]
eeg jeexan². ld jeexnaansho.

mongolisam [Magac Lab | Noun Masculine]
(daaw.) Nooc dhimanaasho garaad oo lagu dhasho, waxaana keena isbeddel ku dhaca koromosoomka lam. 21 oo noqda (3) saddex koromosoom meeshi laga rabey (2) labo. Astaamaha ugu waaweeyn: indhaha oo si dadban u jeexan sida dadka reer Mongooliya oo magaca cudurka laga soo xigtay, madax wareeg ah, kamas aad u muuqata calaacallo aan caadi ahayn, sida xarriiq keliya oo calaacasha dhexmareysa, gaabnaan, laalaab maqaareed, dhego yar-yar oo wareeg ah, carrab kala jeexan.

jeex [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. ld jeexo. Biyo mareen dhuuban.

jeex [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Wax dillaacin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg