jeexo
(m.dh)

Meel godan oo biyo mareen ah. ld jeex¹ (2).

jeexo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-xday, -xatay)

Wax cad ka dillaacsasho (maro, qare, maqaar iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeexo

dacal [m.dh] (-lo, m.l)
Summad xoolaha loo yeelo oo dhegta dhinaceeda hoose la jeexo.

dhufays [m.l] (-syo, m.l)
Hog dhulka laga jeexo oo askaruhu waqtiga dagaalka xabbadda kaga gabbadaan.

jeex [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. ld jeexo. Biyo mareen dhuuban.

jeexane [m.l]
Harag ari oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.

jeexasho [m.f.dh]
eeg jeexo².

maddan [m.l]
Yeel awrta lagu raro oo saanta biciidka laga jeexo.

tolan [m.l] (-anno, m.dh)
Liilan dheer oo saamaha laga jeexo oo kabaha lagu tolo. ld tolon.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg