jidbo
(m.dh)(dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. ld jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jidbo ↴
xamaasad [m.dh]
1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iwm. 2. Ficil.
beeba [m.l]
Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaalo-xeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
burur [m.l]
1. Dareen qofka ku dhasha marka uu la kulmo wax shucuurtiisa kiciyo oo ka lumiyo is-hanashada; jidbo. 2. ld burbur 1. 3. ld bururid.
burur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Qof, wax shucurtiisa kiciya la kulmay, is-hanasho ka lumid; jidbood. 2. ld burbur².
jadbo [m.dh]
ld jidbo.
jadboo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld jidboo.
jalbo [m.dh]
ld jidbo.
jalboo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld jidboo.
jalbood [m.l]
ld jidbood.
jibbo [m.dh]
ld jidbo.
jid [m.l] (-dad, m.l)
1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tus. “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.