jidhi
(m.dh) (-iyo, m.dh)(bot.) Nooc deegaan ah oo ka kooban geed qaab bixitaankiisu gaabiyo iyo dhir hagaastay (sfunted tress), inta badanna dhererkoodu waa 1-2 mitir, mar marna leh dhir dhaadheer. Waxa laga helaa gobollada roobku ku yaryahay ama leh carro aad ugu xun inay kaymo ka baxaan, sida dhulka oomane-u-eka ah ee cidhifyada lamadegannada; dadka dagganina waxa laga yabaa iney noqdaan reerguuraa, xoolo dhaqato.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jidhi ↴
ay [m.dh]
(bot.) Eray badanaa lagu isticmaalo dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay daboosho jidhi; amase, waxaa lagu isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo aan loogu talaggelin qodaal.
jidhida-dhexe [m.dh]
(bot.) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
ruqur [m.dh] (-qro, m.l)
(bot.) Botani ahaan fuf aan qaangaadh ahayn oo isku cufan oo leh jirrid gaaban oo bixisa caleemo yar yar oo laalaaban, caleemaha dusha ee ruqurtu inta badan waa jidhif oo kale waxayna ilaalisaa caleemaha gudaha ee jilicsan.
jid [m.l] (-dad, m.l)
1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tus. “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.