kaan
(m.l)1. (u) Daloola ku yaal doonida miilkeeda dambe iyo madaxa shukaanta. 2. Kala k.: wax kala duwan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaan ↴
adkaan [m.f.dh]
eeg adag. ld adayg, adkaansho.
adkaansho [m.f.dh]
eeg adkow. ld adkaan.
arkaan [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
A.ta islaamka: shanta tiir ee diinta islaanka ku taagan tahay. ld arkaanu-islaan.
arkaanu-islaan [m.l]
ld arkaan.
axkaan [m.dh]
1. (dii.) Sharciga Islaanka wax ku xukumo. 2. (dii.) Sharciga u degsan dadka Islaanka ah ee ay ku dhaqmaan.
bukaan [m.l] (-nno, m.dh)
Qof bugta badan, jirroole. ld bugtaan.
bukaani [m.l]
ld bukoni.
bukaanjiif [m.l] (-fyo, m.dh)
Qof bukaan ah oo isbitaal la seexshay si loo daaweeyo.
bukaannimo [m.dh]
Bukaan ahaansho.
bukaanqaad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.
ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.