kaarboohaydrayt
(m.l) (-tyo, m.dh)

(kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisa-karaydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaarboohaydrayt

jidhka Golji [m.l]
(baay.) Koox ama kooxo moqorro siman ah oo ku dhex jira saytoobalaasamka unugga oo ay ku wareegsanyihiin xuubab, kuna xidhan iliilo balaasmo gudeed laakiin loo isticmaali karo ku xidhidda kaarboohaydraytyada borotiinnada.

kimistariga noolaha [m.l]
(kiim.) Barashada kiimistariga noolayaasha, gaar ahaan dhismayaashooda iyo shaqada waxyaabaha kiimikeed ee ay ka koobanyihiin, sida badan borotiin, kaarboohaydrayt, dux iyo asiidho bu'eed.

monosakaraydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(baay.) Kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.

neefsasho ogsajiin la' [m.l]
(baay.) Nooc ka mid ah neefsashada oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohaydraytyada) ay qayb ahaan u ogsidhooban iyagoo sii daynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad ogsajiin aan u baahnayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg