kaarboon
(m.l)(kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaarboon ↴
kaaftoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.
kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
tabaashiir [m.l]
(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
xaddiid [m.dh] (-dyo, m.dh)
Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka oo ku jira macdanno badan, gaar ahaan ogsaydhada (hamatayt iyo magnitayt) iyo kaarbooney-tyada; bir.
alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.
alkiin [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.
amiino [m.dh] (-ooyin, m.l)
(kiim.) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH), oo ku dheggan kaarboonka alfa.
amiino asiidh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH), iyo amino (-NH2), oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
asiidh-ooman [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(kiim.) Iskudhisyada la falgala biyaha soona saara asiidh. Tusaale ahaan, karboon laba ogsaydh waxa uu lafalgalaa biyaha waxaana samaysma kaarboonig asiidh: CO2(g) + H2O(aq) = H2CO3(aq).