kuusan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-smay, -santay; -smi)

1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.

kuusan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-snaa, -snayd)

1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuusan

barjo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.

basal [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.

bayb [m.l] (-byo, m.dh)
Qalab ka kooban dhuun dhuuban iyo madax kuusan oo dhexda ka dalaloola oo tubaakada lagu dhuuqo. ld beeb, biibbo.

bocor [m.l]
1. Burcadka caanaha geela ka soo baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta marka uusan weli aad u soo bixin ee madaxiisu fooraro.

booc [m.dh]
Geed caano leh caleemo balballaaran, laamo jiljilicsan iyo miro kuus kuusan oo buufsan leh.

buro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo.

caanolul [m.l]
Qori kuusan oo marka caanaha la lulayo haanta loo dhigo..

cananaas [m.l]
Geed ka baxa kulaylaha oo dhala buruq kuusan, macaan oo korka ku leh qolof kurtumo leh, madaxa sarena caleemo dhuudhuuban oo adag.

cankuqaad [m.l]
Geedka galleyda inta uusan sabuulka soo ridin ee uu dhinaca ka kuusanyahay.

dubbad [m.dh] (-do, m.l)
Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.

kuus [m.l] (-sas, m.l)
1. Wax buuran ama qaab kankoonsan leh. 2. K. lacag ah: lacag badan oo wax qiimo leh goysa.

kuus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Wax badan meel yar isugu keenid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg