kuwaantam
(m.l)

(fiis.) Qaybta ugu yar ee tamar, lagana heli karo kaah birlabdanabeed leh rakaad go'an. Mar kasta, tamarta kaah birlabdanabeedku waa dhufsanaha kuwaantum.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuwaantam

aragtida kuwaantam [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.

footon [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Saxar leh cuf neg oo le'eg eber, kana kooban kuwaantam kaah birlab-danabeed. F.ka waxa kale oo lagu tilmaamaa halbeeg tamar oo le'eg hf, taas oo ah ay tahay madoorsoomaha blaank iyo f oo ah rakaadka kaahinta oo lagu cabbiro Heertis. F.nadu waxa ay ku socdaan xawaaraha ileyska.

heer-tamar [m.dh]
(kiim.) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg