kuwan
(mu.ti.w)

eeg kan¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuwan

heer-tamar electaroon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Kuwantamka ugu muhimsan tiradiisa n waxay soo saarta heerka ugu muhimsan ee tamarta, waxayna leedahay qiimaha 1, 2, 3 iwm (markastoo tirada badato, elegtoroonku wuu ka sii fogaadaa bu'da).

laba-sakaraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) Sonkor molikuyuuladeedu ka kooban yihiin laba xubnood oo hal sakaraydh ah. Sukrows iyo maaltows ayaa tusaale u ah. Kuwan waxa isku xiriiriya seeto -O- ah (seeto galaykoosydheed). eeg sonkor.

xilli [m.l] (-iyo, m.dh)
(c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg