laallaadin
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)eeg laallaadi. ld laallaadis¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laallaadin ↴
laallaadis [m.l]
ld laallaadin.
raarici [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel sare ka soo laallaadin.
fooror [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Iyadoo la taaganyahay qaarka sare hoos u laallaadin. ld foorar².
hoogaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadin.
lalmi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax laallaadin.
qanabo [m.dh]
Orodka awr qooqani sameeyo isaga oo madaxa laallaadinaya daamankana isla dhacaya.
qolobdhabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-obday, -obatay)
Awr qooqan isaga oo madax soo laallaadinaya daamankana isla dhacaya ordid.
rundudso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ciil iyo murugo darteed gorodda la laallaadin.
laallaad [m.l]
Ka raaracidda wax meel sare ka raaracaan.
laallaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Wax meel sare ka raaracid.