labaale
(m.l)Warqad turub oo dhexda laba dhibcaad ku leh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labaale ↴
habdhis-tiro-labaale [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iwm; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo, tobnaadyo, boqollaadyo iwm.
hormoggal [m.l]
(xis.) Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.
iskudhufasho [m.dh]
(xis.) Summad x. Xisaabfalka labaale ee lagu helo taranka laba ama dhowr xaddi. Dhinac kale marka laga eego iskudhufashadu waa isugeyn soo noqnoqata. Tusaale ahaan, 3 x 4 = 3 + 3 + 3 + 3 = 12.
isuqaybin [m.dh]
(xis.) Astaanta :. Xisaabfalka labaale ee lagu helo qaybta laba xaddi (tiro). Isuqaybinta waa xisaabfalka weydaarka u ah iskudhufashada.
kalaggoyn [m.dh]
(xis.) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
saddex-xagal labaale [m.l]
(xis.) Saddex-xagal leh laba dhinac oo isle'eq iyo laba xaglood oo isleeq.
sal-tiro [m.l] (-lal tiro, m.l)
(xis.) Baaxadda kooxda tirinta loo adeegsado. Habdhiska tobanle salku waa toban. Astirooyinka la adeegsado waa “0”, 1, 2, 3, 4, ,5 ,6, 7, iyo 9 oo loo kooxeeyo toban koowaad, toban tobnaad iwm. Habdhiska labaale salku waa labo. Astirooyinka la adeegsado waa “0” iyo 1.
xeerka kala-hormarinta [m.l]
(xis.) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.