labaatan
(m.l.t)

Tiro ka kooban laba meelood oo min toban ah; laba tobnaad; “20”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labaatan

u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.

w [m.dh]
(wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifbada af soomaaliga waana shibbane.).

x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

y [m.dh]
(ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.

qaaf [m.l]
Xarafka kow iyo labaatanaad oo alifka carbeedka magaciisa. ld qa'.

saac [m.l]
1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.

yib [m.dh]
Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo.

adaadi [m.l]
Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.

bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.

caanteyn [m.l]
Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg