labac
(m.l)1. Xabad baruur leh. 2. Candho xoolaad oo baruur leh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labac ↴
dibqallooc [m.l] (-cyo, m.dh)
Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. ld dabaqallooc.
labacaloolyaa [m.l]
Geedgaab aan qodax lahayn oo marka ay xooluhu daaqaan ku jirradaan.
labacanlayn [m.f.dh]
eeg labacanlee. ld labacanlays.
labacanlays [m.l]
ld labacanlayn.
labacanle [m.l]
Calalinta cuntada labada can lagu calaliyo. ld labacanlayn.
labacanlee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Labada daan isku mar wax ku calalin.
labacidhifle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(fiis.) Labo saldanab oo isle'eg, isku lid ah, iskuna jira fogaan kooban. Taranta saldanabyada midkood iyo fogaanta u dhexeysa ayaa ah maroojinta labacidhifle.
labaclabac [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Qof aan go'aan lahayn.
labaclul [m.l]
1. Ruxashada xulusta iyo naasaha. 2. Neef xoolo ah oo sid dhaweeyey oo candho keenay.
lab [m.l]
1. Labada jaad ee nafleydu u kala baxdo, midka aan uurka yeelan; labood, rag. 2. Qas.
lab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax isku qasid. 2. Wax jaah-wareerin.
lab [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-baa, -bayd)
Wax adag ahaansho.