laban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)

Wax isku qasmay noqosho.

laban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

Wax isku qasmay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laban

birdhaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.

calas [m.dh]
1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha).

diyuuteeriyam [m.l]
Sumaddeedu waa D. Iskugod haydarojiin oo deggan si dabiici ahna u jira, bu'diisuna ka koobantahay hal borotoon iyo hal niyuutaroon. Markaas cuf-atamkiisu waa ugu dhawaan labanlaabka kan haydarojiinta.

laballaab [m.l]
1. L. ah: tiro lagu daray tiro la eg. 2. Wax lagu xoojiyay wax la mid ah. ld laballaabid, labanlaab¹.

laballaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Tiro, tiro la eg ku darid. 2. Wax, wax la mid ah ku xoojin. ld labanlaab².

laballaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
Wax la labanlaabay noqosho. ld labanlaaban¹.

laballaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax la labanlaabay ahaansho. ld labanlaaban².

laballaabid [m.f.dh]
eeg laballaab². ld labalaab¹, labanlaabid.

laballaabmid [m.f.dh]
eeg laballaaban¹. ld labanlaabmid.

laballaabnaan [m.f.dh]
eeg laballaaban². ld laballaabnaansho, labanlaabnaan, labanlaabnaansho.

lab [m.l]
1. Labada jaad ee nafleydu u kala baxdo, midka aan uurka yeelan; labood, rag. 2. Qas.

lab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax isku qasid. 2. Wax jaah-wareerin.

lab [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-baa, -bayd)
Wax adag ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg