labbax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1)

1. Dad badan ama waxyaalo badan, qof ama wax ka doorasho. 2. Qof la soo bixid. 3. Gabar guursasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labbax

farakalabbax [m.l]
ld 1. ld. farabbax¹.². ld. farakalabbixid.

kalabbax [m.l]
Kala miirmidda laba waxood oo isku jiray ay kalamiirmaan.

kalabbax [m.l]
(kiim.) Falgalka kiimikaad ee iskudhis u kala jabiya iskudhisyo ka kooban molikuyuullo fudud.

kalabbax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
1. Laba shay oo isku jiray kala miirmid. 2. Laba shey ama ka badan oo isku jiray kala furmid. 3. Derin, maro iwm kala siibmid. 4. Kala tegid.

kalabbaxsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-naa, -nayd)
Wax kalabbaxay ahaansho.

kalabbaxsanaan [m.f.dh]
eeg kalabbaxsan. ld kalabbaxsanaansho.

Kalabbaxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kalabbax-sanaan.

kalabbaxsasho [m.f.dh]
eeg kalabbaxso.

kalabbaxso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax duubnaa kala fidsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg