ladan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ladan ↴
faajafaajo [m.dh]
Qof ladan isaga oo aan dan lahayn tago meelo kala duwan, ama waxaan muhim ahayn lacag ku kharajgarayo.
faajafajoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Qof ladan oo waxan muhim ahayn lacag badan ku kharajgarayn, xarrago ama faakihaysi dartii.
naajax [m.l]
1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.
dhaqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
1. Dhar iwm wax la meyray ahaansho. 2. Nafley wax ladan ahaansho. 3. Ku dh.: wax meel ku nool ahaansho.
jalladan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dmay, -dantay; -dmi)
Wax la jilladay noqosho (maqaar iwm). ld jalledan¹, jelledan¹, jilladan¹.
jalladan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax la jilladay ahaansho (maqaar iwm). ld jalledan¹, jelledan², jilladan².
jilladan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dmay, -dantay)
ld jalla-dan¹.
jilladan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
ld jalladan².
ladnaan [m.f.dh]
eeg ladan. ld ladnaansho.
lad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Isku l.: wax xil iska saari waayid. 2. Ku l.: wax ku raaxaysasho. ld led.