loofar
(m.l) (-rro, m.dh)

Nin maalka si xun u isticmaala ee aan dhaqaalayn.

loofar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Ku l.: maal si xun u isticmaalid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh loofar ↴

loofarad [m.dh] (-ddo, m.l)
Naag maalka aan dhaqaalayn ee si xun u isticmaasha.

loofarid [m.f.dh]
eeg loofar².

loofarnimo [m.dh]
Loofar ahaansho.

loof [m.l]
1. Harraad badan. 2. Lahan; laxaw.

loof [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Nafley aad u harraadid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg