lool
(m.l) (-lal, m.l)

1. Jaad ka mid ah dhigaha aqalada miyiga lagu dhiso. 2. Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo. 3. Xarriiq dhulka gudub u gooysa oo la siman dhulbaraha. 4. ld laal¹.

lool
(m.l) (-lal, m.l)

(juqr.) Xarriiq dhigeed ama barka goobooyinka waaweyn midkood, goobooyinkaas oo mara cirifyada, badhahana xaglo quman u gooya; xarriiqaasi ma ahin goobo buuxda maxaa yeelay waxaa jira faraq 80 oo dhig ah iyo waqti 12 sacadood ah oo u dhexeeya labada badh ee goobooyinka waaweyn ee mara cirifyada.

lool
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oolay, -ooshay)

1. Awr si aan toos ahayn awr kale mici ugu dhufasho. 2. Laal ciyaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lool

daacuun-calooleed [m.l]
ld daacuun¹. daacuun

daacuuncaloolo [m.l]
ld daacuun¹. daacuun

laal [m.l]
Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹.

xagaa [m.l] (-aayo, m.dh)
(c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).

aglool [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Xoolaynta weel gocaya la xooleeyo. 2. Jaangooyada hore ee wax la dhisayo ama la samaynayo. 3. ld agloolid.

aglool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
1. Weel gocaya ah xoolayn. 2. Guri dhisid.

agloolan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la agloolay ahaansho (aqal, weel, gocaya ah iwm).

agloolid [m.f.dh]
eeg aglool². ld aglool¹ (3).

agloolnaan [m.f.dh]
eeg agloolan. ld agloolnaansho.

agloolnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld agloolnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg