loolo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-ooshay, -oolatay)

Mindi iwm afaysasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh loolo

daacuuncaloolo [m.l]
ld daacuun¹. daacuun

boogcaloolo [m.dh]
ld boogcalooleed¹.

cirdaloolo [m.dh]
Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan.

goldaloolo [m.dh]
1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. ld goldaloosho.

hoosdaloolo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Iin wax yeeshaan.

loolasho [m.f.dh]
eeg loolo. ld loolad.

saloolo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ooshay, -oolatay)
1. Badar raran ama dufan ku dubasho. 2. Ariga iyo ugaarta qaarkeed, si ay u daaqaan jeenyaha geed ku qabsasho.

shimbircaloolo [m.dh]
Cudur xiidmaha iyo caloosha geela uga dhaca.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg