loox
(m.l) (-xyo, m.dh)

1. Qori dheer, dhumuc yar, ballaaran, xalleefsan oo quraanka lagu dhigto. 2. Qori dheer, xalleefsan, oo guryaha lagu dhiso, alaab kalena laga sameeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh loox

saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

alaab caydhiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-bo ..., m.l)
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.

albaab [m.l] (-bbo/-byo, m.dh)
Bir, loox iwm oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha irdahooda lagu awdo.

burloox [m.l] (-xyo, m.dh)
Cad soor ah oo la mariyo looxa qur'aanka inta aan wax lagu qorin.

daamad [m.dh]
Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.

dharkayn [m.l]
(dharkayn/-nno, m.dh) Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo.

dowsar [m.l] (-rro, m.dh)
Cayayaan yaryar oo geedaha iyo looxaanta daloosha oo cuna; xar.

farsug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Arday in looxa macallinku cashar ugu qoro sugid.

kaloox [m.l]
Bocool.

kayn-mansuun [m.l] (-nno, m.dh)
(juqr.) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg