lulo
(m.dh)

ld lulmo.

lulo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-ushay, -ulatay)

1. (f.g) Caano iwm si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lulo

qaabis [m.l]
1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.

dhito [m.dh] (-ooyin, m.l)
Caano loo keydiyey in la lulo ama la dhamo.

fiix [m.l]
1. Firfir subag ah oo marka caanaha la lulo dul sabbeeya. 2. Fuf. 3. Dufan yar oo ka dhashiima laf qorrax taal. 4. ld fiixid.

firfir [m.l]
1. Burcad yaryar oo caanaha marka la lulo kor sabbeeya. 2. F. ah: caano la lulay oo firfir yeeshay. 3. Dhidid f. ah: dhidid kala googo'an oo oogada nafleyda ka yimaad. 4. ld fir¹.

handuul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Sariir yar oo ilmaha lagu lulo. 2. Naxash. 3. Sariir doomaha derbiyadooda ku dheggan oo ay seexdaan rakaabka qaarkood.

kodho [m.dh]
Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.

lulasho [m.f.dh]
eeg lulo. ld lulad.

lulmo [m.dh]
Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. ld lulo¹.

lulmoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Lulmo dareemid. ld luloo.

lulmood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg lulmoo. ld lulood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg