lumin
(m.f.dh)eeg lumi. ld lumis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lumin ↴
faad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cunto, cabbid, daawo iwm nafaqo iwm waxtarkii ay lahayd raagid awgeed lumin.
maanqaad [f.g] (-day, -dday)
Cid maankeeda lumin.
aamminbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Ka aa.: qof, cid aamminkii uu ku qabay lumin.
ambi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid jahada toosan ka lumin. 2. Nafley meel fog oo aanay si sahlan uga soo noqon karin geyn.
baaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.
bulshee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-sheeyay, -sheysay)
1. (f.g) Qof bulshey ka dhigid. 2. (f.mg) Ciyaar, dhalinyareyn iwm wakhti ku lumin.
danseeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Qof, wax aan faa'ido lahayn waqti ku lumin.
danseeji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn.
dhaafi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.
falaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Hawl aan ujeeddo laga lahayn oo waqtiga lagu luminayo qabasho.