lun
(m.l)

1. Meel dhoobo qoyan oo jilicsan leh oo marka cagta la saaro hoos ula degta. 2. (-uman, m.l) God marka beeraha la abuurayo miraha lagu duugo.3. God hoos u dheer. 4. L. ah: dhar duug ahoo diindiimaya.

lun
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-umay, -untay; -umi)

Wax dhumay noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lun

baadiddoon [m.l]
1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid. baadiddoonid

uumi saarid [m.dh]
(bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.

ahalunnaar [m.l]
ld ahlunaar.

ahlunaar [m.l]
Qof cadaab mutaystay. ld ahalunnaar, ehelunnaar.

aqoo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3]
(yaqaan, taqaan; yiqiin, tiqiin/aqooday, aqootay) Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho. Tus. “Hashi iga luntay ayaan geel ka aqooday”.

ceshiimo [m.dh]
1. Hanti la dhacay ama luntay oo ciddii lahayd loo celinayo. 2. Si gaar ah uga faa'iideysashada wax dad ka dhexeeya. ld ceshiino, cishiino.

cifo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
Hanti luntay ama baabba'day beddelkooda helid. ld cif, cig, cigo.

dulun [m.l]
ld dulmi¹.

dulun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
ld dulmi².

dulundulcee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -ceysay)
Biyo, mas iwm si dulundulco ah u socosho.

l [m.dh] (la', laan, laam)
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg