luqad
(m.dh)ld luuqad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luqad ↴
af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.
afcaan [m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
baaluqad [m.dh] (-do, m.l)
B. ah: gabar qaangaar ah.
carabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Cid dhaqankeeda iyo luqaddeeda mid carbeed ka dhigid. 2. Cid carab iska yeelid. ld carabiyee.
lakab-bayga maskax-horaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Lakab ka kooban walax ramaadi ah kaas oo sameeya lakabka sare ee siribaramka lafdhabarley badan. Waxay aad ugu horumarsan tahay naasleyda. Waxay masu'uul ka tahay xukunka iyo isugeynta dhaqdhaqaaqa iraadiga ah iyo dareennada aragga, maqalka, taabashada iwm. Waxa kale oo ay ka kooban tahay xarumo ku shuqul leh xusuusta, luqadda, fekerka iyo garaadka.
luqluqad [m.l]
ld luqluqasho.
luuqad [m.dh] (-do, m.l)
Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. ld luqad, luqo, luuqo.
qurbe [m.l]
Meel uusan qof ka helin dhaqankiisa dadkiisa, luqaddiisa iwm; dal shisheeye. ld qurbo.