luun
(m.l) (-uumo, m.l)

1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar.

luun
(m.dh)

Tib xoog leh oo sabuulka meseggada lagu shukulo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luun

culuun [m.dh]
1. ld cilmi. 2. w. cilmi.

dalluun [m.dh]
God hoos u dheer oo dhuuban.

kalluun [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(c.nafl.) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.

luunqabad [m.l]
ld dhuunqabad.

madluun [m.l]
1. M. ah: qof niyad xun oo aan raalli ahayn. 2. Qof la dulmiyey. 3. ld madluumid.

madluun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uumay, -uuntay; -uumi)
Qof niyad xun oo aan raalli ahayn noqosho.

madluunnimo [m.dh]
Madluun ahaansho.

madluunsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof la madluumiyey ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg