maacuun
(Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective)

Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm. suxuun, digsiyo, mindiyo

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maacuun

armaajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab qori ama bir ka samaysan oo guryaha iyo xafiisyada la dhigto, leh qaabab kala duwan iyo khaanado dharka, dukumentiga, maacuunta iwm lagu rito. ld armaadyo.

baaquli [m.l] (-iyo, m.dh)
Weel maacuunta ka mid ah, dabool leh sidde lahayn oo wax lagu shubto.

caydan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. ld ceedan.

caydbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Alaab maacuun oo aad loogu baahnaa helid. ld ceedbax.

fargeeto [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Shay maacuunka ka mid ah, faro leh oo loo adeegsado in wax lagu cuno. 2. Faraley.

siin [m.l] (-iiman, m.l)
1. Magaca xaraf oo ka mid ah xarfaha af carbeedka 2. Duuf. 3. Taar. 4. Maacuunta inta birta ka samaysan oo dhalada iyo macdinka ahayn. 5. S. ah: subag dhalaashan. 6. (-iiman, m.l) Dheeh weelasha jikada oo birta ah qaar-kood oo loo yeelo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg