naadi
(m.l) (-iyo/-iyaal, m.l/dh)1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.
naadi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax la rabo in dad badan la ogeysiiyo ku dhawaaqid. 2. Wax la rabo in la iibiyo qiimihiisa ku dhawaaqid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naadi ↴
naadin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naadi². naadi
naadir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadir [m.l]
(juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
naadirnimo [m.dh]
Naadir ahaansho.
yabooh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.
baari [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.
banaadiiq [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg buntuq. ld banaatiiq.
naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo
ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo;
magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus.
“Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.