naadir
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.

naadir
(m.l)

(juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naadir

naadirnimo [m.dh]
Naadir ahaansho.

balaatihelmantis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.

farkuddoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: wax si loo helo adagtahay; dhif, naadir. farma' m.dh.sh.r Si kedis iyo degdeg ah oo loo boodo ama loo ordo. ld farmac.

hiilyam [m.l]
(kiim.) Mid ka mid ah neefaha naadirka ah ee ku jira hawada, dhammaantood waxay ka koobanyihiin boqolkiiba .01 ee hawada qallalan; xaddiga hiiliyam mid buu ka yahay 200,000.

macduun [m.l]
M. ah: wax helitaankiisu dhif iyo naadir ah.

marsoobbax [m.l] (-xyo, m.dh)
Nooc halaqa ka mid ah, waabaayo halis ah leh oo dhif iyo naadir loo arko; wed-lasoobax; abris.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg