naado
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Ogeysiis dad loo bandhigayo. 2. Bandhig iib oo tartan ku jiro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naado

toornaado [m.dh]
(juqr.) Dhulka Guinea ee Afrikada-galbeed, waa duufaan xoog leh oo badanaa loo yaqaan “tornaadada Afrikaanka”. Waxay ka kooban tahay dabayl cod leh oo ka timid dabayl onkod xoog leh, waxay inta badan ku bilaabantaa si kedis ah waqti yarna ku eg, laakiin waxay geystaa burbur weyn dhulka iyo baddaba, waxa inta badan la socda roob biyo dhaca.

xaraash [m.l]
1. Wax naado lagu iibiyo oo hadba qofka qiime madhaafaan ah gaara lagu baaryo. 2. (-shiyo, m.dh) Qof ama dibi beer-falidda yaqaan.

naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg