naaf
(m.l) (-fo, m.l)1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.
naaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee. naafee, dhaawicid, curyaamin
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naaf ↴
naafasho [m.dh]
ld naafoobid. naafoobid
naafayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naafee. ld naafid. naafid, naafee
naafcadde [m.l]
Xiddigga naafaha ugu horreeya; wuxuu u dhexeeyaa afagaal iyo naafmadoobe.
naafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.
naafeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax naafo noqday ahaansho (nafley).
naafeysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naafeysan. ld naafeysnaansho.
naafeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld naafeysnaan.
naafid [m.dh]
ld naafayn.
na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus.
“Idinkaa na siiyay buuggan”.
na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba
tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana
demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la
siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.