nabaad
(m.l)

Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabaad ↴

nabaaddiinaxir [m.l]
(dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.

nabaaddiinaxir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.

nabaaddiinaxirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaaddiinaxir².

nabaaddiinee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.

nabaaddiineyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaaddiinee.

nabaaddiineysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.

nabaaddiineysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaaddiineysan. ld nabaaddiineysnaansho.

nabaaddiineysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld nabaaddiineysnaan.

nabaaddiino [m.dh]
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg