nabad
(m.dh)

1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.

nabad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bday, -badday; -bdi)

La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabad

og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay. ogaan

nabaaddiineysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.

nabaaddiino [m.dh]
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.

nabadayn [Erey Dareen | Exclamation]
Nabadgeliyo.

nabadayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabadee.

nabadbax [m.l]
Samatabax.

nabadbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Ka n.: Dhibaato ka samatabixid.

nabadbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.

nab [m.l]
ld nabyo.

nab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg