nadaam
(m.l)

ld nidaam.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadaam

aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii

waddaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.

waddee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.

bilqaxan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-xnaa, -xnayd)
Wax si aan nadaamsanayn loo kala daadshay ahaansho.

cambus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid.

habaysan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
Wax la nadaamiyey noqosho.

habaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la nadaamiyey ahaansho.

nadaamdarro [m.dh]
ld nidaamdarro.

nadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld nidaami.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg