nadiifi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax uskagga iyo wasakhda ka bi'in.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadiifi

xaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.

areebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.

baaro [m.dh]
Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.

buraash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.

buraashan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-shnaa, -shnayd)
Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.

caday [m.l]
1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay.

calasee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.

cidaad [m.dh] (-do ml.)
Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.

cul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².

culay [m.l]
Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. ld cugay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg