nadwad
(m.dh)

1. Uumi-biyood. 2. Qabow qoyaan leh oo habeenkii soo dhaco; dhado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadwad

qobbe [m.l]
Dhaxan qabow oo habeenkii soo dhacda; nadwad; dheel.

wahab [m.l]
1. Qabow qoyaan reeba oo habeenkii soo dhaca; dheel; nadwad. 2. Culays qof hurda fuula oo uu la kici waayo; habbiso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg