nafaqo
(m.dh) (-ooyin, ml.)1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.
nafaqo
(m.dh)(daaw.) Barashada cunnada iyo xiriirka ay la leedahay hawlaha dabiiciga ah ee jirka oo ku xiran qaadashada cunnada ee jirka: kormitaanka, tamar ameynta, dib u sameynta soohyada jirka iwm cilmiga nafaqada waa barashada cunnooyinka iyo cudurrada ka yimaada yaraantood.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nafaqo ↴
faad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cunto, cabbid, daawo iwm nafaqo iwm waxtarkii ay lahayd raagid awgeed lumin.
caabuq [m.l]
1. Hurgumidda meel dhaawac ah;
fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas
caabuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.
rabiish [m.l]
Libaax-badeed uurjiif ah oo hilibkiisu nafaqo badan leeyahay.
yicis [m.dh]
1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
anfac [m.l]
1. Waxtarka cuntadu jirka u leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto. 3. ld anficid.
baan [m.dh]
Cunno nafaqo leh oo lagu dheefiyo qof buka ama dhaawac ah.
bellaagra [m.l]
(daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.
caanacaso [m.dh]
Caano xoolaad ama haween oo aan nafaqo lahayn.
caano [m.l.w]
1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.