nafto
(m.dh)

Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qaybaha soo baxa mid ka mid ah oo loo adeegsado shidaalka matoorrada diisalka ah. ld naafto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nafto

naafto [m.l]
ld nafto.

batrool [m.l]
1. Baansiin. 2. Saliid qaali ah, laga qodo dhulka, loo adeegsado shidaalka matoorrada oo marka la sifeeyo laga helo nafto, baansiin, gaas iwm.

doorashada dabeecada [m.dh]
(baay) Aragtida isbeddelka ay xayawaanka, iyo dhirtu ay ku noolaadaan, ama ay ku dhintaan marka la fiiriyo awoodda ay ku qabatimaan naftooda degaanka ay ku noolyihiin.

naf [m.dh] (-fo, m.l)
1. ld ruux. Waxa nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. N. ah: wax dhimasho u dhow. 3. N. ma leh: qiimo ama waxtar yari.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg