nagi
(m.dh)

ld negaan.

nagi
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4)

ld neg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nagi

neg [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gaa, -gayd)
1. Wax aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Wax socdaal ka baaqday ahaansho. 3. Cid niyadda ka deggan ahaansho. ld nag, nagi², negi².

negaan [m.f.dh]
eeg neg. ld nagaan, nagaansho, nagi¹, negaansho, negi¹.

qotin [m.l]
(kiim.) Xubin kasta oo ka mid ah qalab danabeed taas oo sii daysa ama jiidata elektaroonno ama saldanabsideyeyaal kaleba. Qotinka waxa kale oo lagu isticmaalaa leexinta saxarrada saldanabaysan iyada oo la adeegsanayo falka badadda danabka nagi ee qotinku dhaliyo.

wiish [m.l] (-shash, m.l)
1. Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado, waxay leedahay sal nagi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax la suro. 2. Qalab laga sii daayo yeer oo digniin bixiya. 3. Aalad gu-ryaha dabaqyada dhaadheer leh lagu fuulo lagagana soo dego.

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg